Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ay si weyn u taageeray Qoondada haweenka oo ay kasoo horjeesteen Hay’adda Culimada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xaqiijinayso Qoondada 30% ee looga talagalay haweenka Soomaaliyeed in ay dowladda ka helaan.
Gudoomiyaha Hay’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa si weyn u dhaliilay hadalka madaxweynaha Soomaaliya ee ku aadan Qoondada haweenka.
Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sidoo kale sheegay in Hay’adda culimada Soomaaliyeed ay bayaan kasoo saareen arinta haweenka , islamarkaana ay ka digeen in haweenka ay ku biiraan baarlamaanka.
Madaxda ugu sareeysa dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in ay dabada ka riixayaan arinta qoondada haweenka , waxaana uu ugu baaqay in ay joojiyaan.
Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa Axadii sheegtay in sharci ahaan aysan bannaanayn in dumarka lagu biiriyo siyaasadda dalka, taasina ay burbur ku keenayso qoyska Soomaaliyeed.


