Muqdisho-RisaalaFM- Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa waxa ay bayaan ka soo saartay in loo dabaal dego maalmaha Ciida Kirismiska.
Xubnaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay soo saareen bayaan ka koobnaa dhowr iyo 10 Qodob, kaas oo ku aadan u dabaal degida Ciida Kirismiska iyo waliba in la xuso sanadka cusub.
Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa dadka ku nool Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka ugu baaqday in ay ka fogaadaan in ay u dabaal degaan Ciida Kirismiska, maadaama aan nahay dad Islaam ah.
Bayaanka ay soo saartay Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa waxaa warbaahinta u aqriyay Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan.
Dhinaca kale Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah Xubnaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay siyaasada Soomaaliya, in fara gelin toos ah lagu hayo, waxaana uu ku baaqay in la midoobo.


