Hay’ada Culimada Soomaaliyeed, ayaa Maalinta beri ah Ku Baaqday banaanbax looga soo horjeedo weerarkii lagu qaaday masaajidka Nabigeena Maxamed (NNKH).
Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale si weyn u cambaareysay weerarkaasi.
Sheekh Bashiir Axmed Salaad gudoomiyaha Hay’ada Culimada Soomaaliyeed oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay in Banaanbaxa beri la qaban doono looga soo horjeedo weerarkii lagu qaaday Masjidka Nabiga NNKH.


