DHAGEYSO: Haweeney mar kale Maxkamad lagu soo taagayo Mombasa

Mombasa-RisaalaFM- Todobaadkii la soo dhaafay ayay aheyd markii Maxkmad ku taalla Magaalada Mombasa ee dalka Kenya  ay amartay in muddoo todobo maalmood ah xabsiga lagu sii hayo Xaaskii Sheekh Aboud Rogo oo ahaa sheekh aan afkaartiisa la gabanin oo sanaddii 2012-kii la dilay, waxaana mar kale maanta la soo taagi doonaa Maxkamad.

Hania Saga Rogo ayaa lagu eedeeyay in ay qaaraan u aruurisay dadyow ku lug lahaa hawlo argagixiso.

Booliiska ayaa haweenaydan la xiriiriyey mid ka mid ah gabdhihii lagu dilay Mombasa kaddib weerarkii ay booliisku sheegeen in ay fashiliyeen ee lagu qaaday saldhiga booliska ee Mombasa.

Waxaa la sheegay in ay xiriir la samenaysay gabadhaasi, iyada oo adeegsanaysa telefoonkeeda gacanta oo ay hadda la wareegeen booliisku iyaga oo baaritaan ku haya.

Dacwad oogaha ayaa todobaadkii la soo dhaafay waxa uu Maxkamadda waydiistay in la siiyo mudo laba todobaad ah si uu u soo kaamil yeelo baaritaannada, balse garsooraha Maxkamadda ayaa codsigaasi ku gacan seyrtay waxa uuna sheegay in booliiska ay baaritaanadooda ku soo gabagabeen karaan muddo 7 maalmood ah.

Garsoorahu wuxuu sidoo kale amray in la ixtiraamo xuquuqda asaasiga ah ee ay leedahay haweenaydaasi.

Qareennada u doodayey ayaa ka cawaday in hawenaydaasi laga hor istaagay dadkii soo booqan lahaa.

Waxay sidoo kale u sheegeen maxkamadda in Hania ay qabto xanuun una baahantahay in ay hesho dawo.

Hania Saga Rogo oo aheyd Xaaskii Sheekh Aboud Rogo ayaa maanta oo ay Taariikhda ku beegan tahay 23-09-16-ka waxaa mar kale la soo taagi doonaa Maxkamad ku taalla Magaalada Mombasa.