Doorashada Maamulka Hir-Shabeelle ayaanan weli jiheysneyn, iyada oo mudada xilheynta Madaxweynaha ay ku eg 15-ka Bishaan Octoober halka tan baarlamaanka ay ku egtahay 10 Octoober.
Madaxweynaha Hir-Shabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Magacaabay guddiga farsamada iyo doorashooyinka Hir-Shabeelle, kuwaas oo ilaa iyo hadda aysan muuqan waxyaabo ay qabteen.
Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo deegaan doorashadiisu tahay Maamulka Hir-Shabeelle ayaa Risaala sharaxaad ka siiyay Arrimaha doorashooyinka iyo kulan ay la qaateen Madaxweynaha Hir-Shabeelle.
Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaan Nuur Iidow Beyle



