DHAGEYSO: Gudoomiye la beeniyay in la xiray

Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Baay ayaa waxaa ay beeniyeen in ciidanka dowladda Itoobiya ay xabsiga dhigeen Gudoomiyaha degaanka Goofgaduud ee gobolka Baay.

Shalay ayaa Qaar ka mid ah Warbaahinta waxaa ay sheegeen in ciidanka dowladda Itoobiya ay Xireen Gudoomiyaha degaanka Goofgaduud ka dib markii muran uu soo gala dhex galay.

Taliyaha ciidamada dowladda Soomaaliya   ee degaanka Goofgaduud Cabdulaahi Sheekh oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay In Wararkaasi ay yihiin Been Abuur , islamarkaana aan la xirin Gudoomiyaha degaanka.

Waxaa uu xusay in aysan jirin khilaaf u dhaxeeya Gudoomiyaha iyo sidoo kale ciidamada dowladda Itoobiya