DHAGEYSO: Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo codsi u diray Wasiirka Caddaaladda

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleemaan ayaa sheegay in wax miisaaniyad ah aysan dowladda kula heyn  xubnaha garsoorka maamul goboleedyadda.

Waxa uu sheegay in aysan ka qadaan wax mushaar ama guno ah maamulada ay la shaqeyaan.

Waxa uu ka cadosaday wasiirka wasaaradda cadaaladda xukuumadda Somaaliya in uu horgeeyo shirka golaha wasiiradda ee Khamiislaha ah Arintaasi si garsoorka maamul gobaleedyadda ay xuquuq u yeeshaan looguna daro miisaaniyadda sanadlaha ah ee Dowladda.

Hadalkaan ayuu ka sheegay gudoomiyaha munaasabad lagu soo xeraayay Tababar loo qabtay xubno kasocday garsoorka maamulada Galmudug iyo Hir-shabeeele kaa oo daba socday tababar horay loogu qabtay xubnaha garsoorka caasimadda dalka ee muqdisho.