Caabud-waaq-RisaalaFM- Maamulka Degmada Caabdud-waaq ee Gobolka Galgaduud ayaa beeniyay in Dagaal uu ka dhacay Degmadaasi, kadib markii warbaahinta qaar ay baahiyeen in Dagaal uu ka dhacay halkaasi.
Kulan deg deg ah oo maanta ay isugu yimaadeen Maamulka Degmada Caabud-waaq iyo Odayaasha dhaqanka ayaa waxaa looga hadlay wararka sheegaya in Dagaal uu ka dhacay Degmadaasi, iyaga oo beeniyay wararkaasi.
Guddoomiiyaha Degmada Caabud-waaq ee Gobolka Galgaduud ee Maamul Goboleedka Galmudug Mahdi Cumar Cilmi oo la hadlay Risaala ayaa sheegay arrintaasi in ay u arkaan shirqool maleegan, laguna kala geynayo shacabka.
Waxa uu sidoo kale sheegay Mahdi Cumar Cilmi Guddoomiyaha Degmada Caabud-waaq ayaa sheegay Magaalada gudaheeda in aysan ka dhicin Xabad, sidoo kalena warbaahinta qaar ay uga dacwoon doonaan Wasaaradda War-faafinta.
Warbixinta Warkan waxaa Magaalada Gaalkacyo inooga soo diray Wakiil Wareedka Radio Risaala ee Magaaladaasi Maxamed Muxudiin (Saxansaxo).


