DHAGEYSO: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee KGS “Baydhabo amni daro ayaan uga soo guurnay”

Baydhabo-RisaalaFM- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Sheekh Axmed C/laahi Xuseen (Fanax) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa wuxuu faah faahin ka bixiyay xaalada guud ee Baydhabo iyo Garsoorka Amnigiisa.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha Maxkamdda Sare 26-kii bishii 9-aad in Maxkamadda Sare ay soo saartay amar lagu joojinayo xariga sharci darada ah ee lagula kaco bulshada qaarkeed ee aan fal dambiyeedka galin, balse arrintaasi ay dhegaha ka fureesteen Hay’adaha ammaanka Koonfur Galbeed.

Guddoomiye (Fanax) ayaa sheegay Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada in ay soo saareen 17 qof oo ay digreeto u qoreen oo ay sheegeen in ay qaadi karaan dacwooyinka, kuwaasi oo fadhiya xarunta Booliska.

Wuxuu shegay Taliyaha Booliska Gobolka Baay Korneyl Mahad C/raxmaan Aadan, in 25-kii bishan is hor istaag bareer cad ah uu ku sameeyay shaqada xafiiska Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Maamulka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo.

Sidoo kale Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa sheegay in Maxkamadda amni daro awgeed ay uga soo guurtay magaalada Baydhabo, wixii hada ka dambeeynaya ay ku shaqeyn doonto Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sheekh Axmed C/laahi Xuseen Fanax Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay Guddi loo xilsaaray wixii dhacay in ay soo saareen ilaa 7 qodob.

Hay’adaha ammaanka maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan kuwa ka shaqeeya magaalada Baydhabo in ay noqdeen kuwo shaqsiyaad gaar ah ay wataan oo lagu fushado danaha gaarka ah.

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa mudooyinkii dambe waxaa ka socday kulamo kala duwan oo maamulka taageersan ay ku soo bandhigayeen hanaanka rabitaanka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

HALKAN HOOSE KA AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKA