DHAGEYSO: Guddiga Gurmadka oo lacag u qaybiyay qoysas saameyn uu ku yeeshay Qaraxii Zoobe

Gudiga Gurmad Qaran ee qaraxii 14-ka October ayaa maanta qaar kamid ah dadkii eheladooda kuwaayay iyo kuwii ku hanti beelay qarixii soobe lacago u qeybiyay.

14 qoys iyo caruurtooda ayaa waxaa la siiyay qofkiiba min sadex boqol oo doolar .

Sidoo kale gudigga ayaa waxa ay siiyeen lacago ay ugu talagaleen in ay ku iibsadaan gawaari qaar kamid ah dadkii gadiidkooda kuwaayay qaraxaasi

Gudoomiyaha gudiga gurmad qaran cabdulaahi maxamed shirwac ayaa qeybinta lacagaha kadib warbaahinta lahadlay.

Gudiga Gurmad qaran ayaa waday maalmii lasoo dhaafay  dadaallo lagu garab istaagayo dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay iyo kuwii ku hanti beelay qarixii Zoobe.