Dhageyso:-Guddiga farsamada & dhisida Galmudug oo War soo saaray

Guddoomiyaha guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug oo ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa ka warbixiyay howlaha horyaala guddiga iyo sida ay u wajahayaan ka dib markii uu kormeeray Xarunta Shiirkoole halkaas oo la dajin doono Odayaasha dhaqanka ee soo xuli doona Baarlamaanka maamulka.

Cabdinaasir Geelle Cilmi ayaa sheegay in ay geli doonaan howsha qeybta labaad oo ah xareynta Odayaasha,isaga oo u mahad celiyey Ciidamada sugaya Amniga Magaalada dhuusamareeb, iyada oo lagu guda jiro diyaarinta dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug.