Muqdisho-RisaalaFM- Guddiga Difaaca Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa waxa ay kulan kula yeesheen Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka General C/wali Jaamac Xuseen (Gorod).
Kulankan ayaa waxaa looga hadlay dib u hebeynta Ciidanka xoogga dalka, Tirakoobka Ciidanka xoogga, jiheynta Ciidanka iyo Holwgalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab.
Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ah Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ayaa sheegay in weli aysan dhammaan baaritaanada la xiriira xaalada ammaan ee dalka, dhowaan ay kulamo la yeelan doonaa saraakiisha ugu sareysa Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.
Wuxuu kaloo sheegay Xildhibaan Xuseen Carab Ciise kulamadan ay wadaan in ay uga soo baxeen ilaa hadda waxyaabo badan oo ay doonayeen, sidoo kalena ay taageero buuxda la garab taagan yihiin Ciidanka xoogga dalka oo dagaal adag kula jira ururka Al-shabaab.
Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmahan waxa ay shirar deg deg ah oo looga hadlayay xaaladaha ammaan ee dalka ay la qaadanayeen Hay’adaha ammaanka, maadaama lagu guda jiro xilli xasaasi ah.



