Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa Maanta la wareegay deeq dawo ah oo ka timid dowladda Masar oo loogu tala galay dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxii Zoobe.
Waxaa uu sheegay Taabid in deeqdaasi dawada ah ay dhan tahay 5 tan oo loogu tala galay dadka dhibaateysan.
Diyaaradda oo ay la socdeen wakiilo ka socday Dowladda Masar ayaa Maamulka Gobolka Banaadir ku wareejisay 5Tan oo Dawo ah,oo ay dowladda Masar ugu deeqday Dowladda Soomaaliya.
Dhinaca kale Diyaaradda ayaa Dalka Masar u qaadday ku dhawaad 20 Qof oo ka mid ah Dadka ugu daran ee dhaawacyadii 14kii iyo 28kii October ka dhacay magaalada Muqdisho,kuwaas oo qaarkood wali ku xanuunsanaya Isbitaallada qaar ee Muqdisho.



