DHAGEYSO: Golaha Wasiirada oo maanta kulmay

Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo maanta Muqdisho kulan ku yeeshay ayaa si weyn usoo dhaweeyay doorashadii ka dhacday Soomaaliya ee lagu doortay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo.

Golaha Wasiirada ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya tan iyo inta uu  ka soo dhisayo xukuumada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ay u mahadceliyeen dadaalkii weynaa ee ay soo qabteen Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Wasiirka Qorsheynta dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Ceynte oo la hadlay Warbaahinta markii uu soo dhamaaday kulanka ayaa sheegay in golaha  wasiirada ay si weyn uga hadleen sidii shaqada loo sii wadi lahaa inta laga soo dhisaayo xukuumadda Soomaaliya.