Cadaado-RisaalaFM- Golaha Wasiirada maamulka Galmudug ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug, kaasi oo looga hadlay arrimo dhowr ah, oo u badan xiisada ka taagan Cadaado.
Golaha Wasiirada ayaa ka soo horjeestay go’aankii xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug 26-kii bishan kulan ay ku yeesheen Hotel ku yaalla Cadaado ku sheegeen in ay xilkii ka qaadeen Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf).
Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa taageeray bayaankii ka soo baxay maamul goboleedyada, kaasi oo ku aadanaa xaalada siyaasadeed ee dalka uu wajahyo, gaar ahaan xiisada maamulka Galmudug.
Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug (Masagawaa) oo warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay Golaha Wasiirada in ay soo dhaweeyeen go’aankii Madaxweyne Xaaf uu ku mamnuucay Diyaaradaha ka imaanaya Muqdisho, marka laga reebo kuwa Hay’adaha samafalka iyo AMISOM.
Ugu dambeyntii Golaha Wasiirada ayaa shacabka Galmudug ugu baaqay in ay la shaqeeyaan maamulka Galmudug kana hortagaan wax walba oo dhib u keenaya hormarka maamulka.


