Muqdisho-RisaalaFM- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. C/xakiin Daahir Saciid Saacid ayaa maanta booqday qaar ka tirsan iskuulo ku yaalla Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kuwaasi oo lagu galayay Imtixaanka Mideysan ee Dugsiga Sare.
Gen. Saacid ayaa sheegay Ardayda maanta uu u soo gaba gaboobay in uu u rajeynayo mustaqbal wanaagsan, maadaama uu sheegay in ay aad ugu faraxanaayeen in ay Imtixaanka ka qeyb qaataan.
C/xakiin Daahir Saciid Saacid Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay Ardayda kaalmaha hore ka gala Imtxiaanka in ay siin doonaan waxbarasho lacag la’aan ah, in ay ka mid noqdaan Ciidanka Booliska iyo fursado kale.
Waxa uu Ciidanka ammaanka ku ammaanay gaar ahaan kuwa Boolsika qaabka ay u sugayeen Amniga, inta uu socday Imtixaanka, maadaama aysan dhicin wax Arbushaad ah.
Imtixaanka Dugsiga Sare ayaa soo bilowday 20-kii Bishan maalin Sabti ah, waxaana Imtixaanka galay 23,000 oo Arday Soomaaliyeed ah, kuwaasi oo ku kala sugan Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka.



