DHAGEYSO: Gen. Koofi oo ka hadlay qaabka sida fudud loogu heli karo Baasaboorka

Muqdisho-RisaalaFM- Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya General Maxamed Aadan Koofi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay socdaan qorshooyin lagu fududeynayo qaadashada Baasaboorka Soomaaliga ah.

Waxa uu sheegay in hada shaqaalaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha loo tababarayo sidii ay ula macaamili lahaayeen Dadka Soomaaliyeed, taas oo ku aadan fududeynta iyo in ay si deg deg ah ku helaan Baasaboorka Soomaaliga ah.

Waxa uu tilmaamay in cabashooyin ay soo gudbiyeen Muwaadiniinta Soomaaliyeed, taas oo ku aadan xilliga ay dalbadaan Baasaboorka iyo waqtiga ay qaadanayaan oo aad u kala fog.

General Maxamed Aadan Koofi Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn ka dalbaday Hay’adaha ay wada shaqeeyaan in si deg deg ah la isaga kaashado sidii loo fududeyn lahaa helida Baasaboorka Soomaaliyeed.