DHAGEYSO: Gen. Gorod “Waan dhameystireynaa heshiiskii Gaalkacyo”

Gaalkacyo-RisaalaFM- Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay ujeedka halkaasi uu u tagay in ay qeyb ka tahay dhameystirka heshiiskii Magaalada Gaalkacyo ay ku gaareen Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Wuxuu sheegay in meel gaba gabo ah uu marayo dhameystirka heshiiskii ay wada gaareen labada maamul, wuxuuna tilmaamay shacabka labada dhinac in ay u bisil yihiin nabad iyo wada noolaansho dhaxalgal ah.

Guddoomiyaha Maxkamda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Liibaan Cali Yaroow ayaa qeyb ka ah wafdiga Taliye (Gorod), si dib u habeyn loogu sameeyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida qeybta Puntland.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/wali Jaamac Xuseen Gorod oo 15-kii December 2017 booqasho ku tagay Gaalkacyo ayaa qiimeyn ku soo sameeyay xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga dalka ee halkaasi ku sugan iyo waliba sahminta suurta galnimada qorshaha isku dhafka Ciidamada Xoogga dalka.