Muqdisho-RisaalaFM- Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho Aas Qaran loogu sameeyay General C/raxmaan Warsame Cilmi Caare oo shalay ugeeryoodey xanuun in mudo ah hayay.
Marxuumkan maanta Aaska Qaran magaalada Muqdisho loogu sameeyay ayaa ka mid ahaa saraakiisha sare ee udub dhexaadka u ahaa horumarkii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana Gen. Caare lagu Aaay Qabuuraha sheekh Suufi ee degmada Warta-nabadda.
Aaska Marxuum Caare waxaa ka qeyb galay Ehelada Marxuumka, Taliyaha NISA, Saraakiil ciidan, Qeybaha kala duwan ee ciidamada iyo xubno kale.
Taliyaha NISA C/laahi Gaafow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Gen. Caare lagu xusuusan doono doorkii wanaagsanaa iyo sida hufan ee uu ugu adeegay shacabkiisa.
Dadkii ka soo qeyb galay Aaska Marxuum C/raxmaan Warsame Cilmi Caare ayaa Ilaahay uga baryey inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka tegeyna uu samir iyo iimaan ka siiyo.


