Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud ( Dabaan) ayaa sheegay in xiligaan Maxkamadda Gobolka ay wajaheyso Garsoore la’aan heysato, iyada oo kiisas farabadan ay yaallaan.
Guddoomiyaha oo la hadlayay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Maxkamaddu ay qabatay sanadkaan ilaa 1524 Gal dacwadeed, isla markaana Maxkamadda ay ka howgallaan kaliya ilaa 13 Garsoore , taasina aysan ku filneyn.
Wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud ( Dabaan) in ay jiraan Imtixaan la qaaday oo ay Garsoorayaal ku guuleysteen, balse ay u Shaqeyn la’yihiin Dhaqaalo La’aan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir.



