DHAGEYSO: Ganacsatadda Qaadka oo cabasho ah

Ganacsatada qaadka iibiya ee Magaalada Jowhar ayaa cabasho xooggan ka muujiyay diyaaradaha Qaadka ka keena dalka ee ka degta Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Waxa ay sheegeen in ay keenaan qaad qurmay, oo aan u gadmeyn Ganacsatada ku nool Magaalada Jowhar.

Ganacsatada Qaadka waxa ay ku hanjabeen in ay joojin doonaan Qaadashada qaadka laga soo dajiyo Magaalada Jowhar, islamarkaana ay ka qaadan doonaan Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in Shirkaddaha Qaadka ka keena dalka Kenya ay dhowr jeer heshiis uga baxeen Ganacsatadda.

Haweeney ka mid ah Ganacsatadda qaadka ee magaalada Jowhar oo la hadashay Wariyaha Risaala ee Magaalada Jowhar Cabdiraxmaan Deeray ayaa waxa ay sheegtay inaysan iibin Karin Qaadka laga soo dejiyo Magaalada Jowhar, Maadaama dadka aysan rabin.