DHAGEYSO: Ganacsatada Qaadka iibisa oo baaq diray

Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqday in Dalka si ku meel gaar ah looga joojiyay Duulimaadyadii Qaadka ee Dalka la keeni jiray.

Go’aanka Dowladda Soomaaliya ay ku joojisay Qaadka ayaa ka dhaqan galay Magaalada Muqdisho, inkastoo Gobolada Qaar ee Dalka maanta Qaadka laga soo dejiyay.

Qaar ka mid ah Ganacsatada Qaadka iibisa ee ku sugan Magaalada Muqdisho oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in arintan ay tahay mid Dowladda Soomaaliya ay ku qaldan tahay, loona baahan yahay in si deg deg ah ay uga laabato go’aanka ay ku mamnuucday Qaadka imaan jiray Soomaaliya.

Waxa ay sheegeen Qaadka in ay ka heli jireen faa’idooyin fara badan, sida lacagtii ka soo gasha Qaadka in ay ku korsadaan caruurtooda iyo in ay noloshooda kale ku maareeyaan.

Dowladda Kenya ayaa ka digtay in Dhaqaale daro ay soo wajahdo Dalalka Soomaaliya iyo Kenya, maadaama Qaadka uu ka imaan jiray Kenya taasina ay saameyn ku yeelaneyso labada dal.