Dhageyso:-Ganacsatada Hilibka Geella oo Shaqa joojin sameeyey

Ganacsatada Hilibka Geella ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen Shaqa joojin kadib markii khilaaf ay soo kala dhex-galeen Ganacsatada Hilibka iyo kuwa Magaalada Keena Geella.

Mid kamid ah Ganacsatada Hilibka Geella ayaa sheegay in kulamo ka dhacay muqdisho la isku fahmi waayey,isla markaana khilaafka uu salka ku haayo, kadib markii ay lacago ku kordhiyeen dadka Muqdisho keena Geella.

Cali Geedi oo kamid ah Guddiga Ganacsatada Hilibka Geella oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in muddo saddex Maalin ah aan Hilib Geel lagu qali doonin Kawaanada Muqdisho iyo Afgooye ilaa xal lag keeno.

Waxaa uu sheegay in rajo weyn ay ka qabaan in khilaafkaan la xaliyo ilaa laga gaarayo Maalinta Sabtida ah ee soo socota, si Axada ay Shaqadooda dib ugu bilaabaan.

Saakay ayaa waxaa gebi ahaanba Magaalada Muqdisho lagu qalin Kawaanada ku yaalla Hilibka Geella,waxaana siweyn u dareemay dadka Magaalada Muqdisho oo isticmaali jiray.