DHAGEYSO: Galmudugta Cadaado oo ka hadashay Gawaari ay xanibeen

Maamulka Galmudug garabka Magaalada Cadaado ayaa faahfaahin ka bixiyay Gawaari dhawaan ay ku xanibeen Magaalada Cadaado,kuwaasoo oo la sheegay in ay kusoo jeedeen Magaalada Dhuusamareeb.

Cumar Maxamed Diiriye oo dhawaan Axmed Baasto uu u magacaabay Wasiirka Madaxtooyadda ayaa sheegay in Gawaaridaan oo gaaraysa  6 wali ay ku xani ban yihiin Magaalada Cadaado oo horay Caasimad KMG ah u aheyd maamulka Galmudug.

Waxaa uu sheegay in Gawaaridaan looga shakisan yahay in ay waddaan hub ,islamarkaana ay u saareen guddi loogu tala galay in ay soo baaraan.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ay wareysteen qaar ka mid ah darawaladda waday gawaarida ayna sheegeen in ay ka yimaadeen Jabuuti,islamarkaana ay u socdeen Magaalada Muqisho.

Ilo lagu kalsoon karo ayaa xaqiijiyay in gawaaridda lagu qabtay Cadaado ay sideen Gawaari ay leeyihiin Qaramada Midoobey oo loogu tala galay Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo ku wajahnaa Magaalada Dhuusamareeb.