DHAGEYSO: Galmudug oo War kasoo saartay Shirkii IGAD

Maamulka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa si wey u soo dhaweeyay Shir Madaxeedkii IGAD ee shalay lagu soo gaba gabeeyay ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabay oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Cadaado ayaa si weyn u soo dhaweeyay shir Madaxeedkii IGAD ee shalay kusoo idlaaday magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa guul ku tilmaamay Shirkii IGAD ee lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale ka hadlay arimo badan oo ku saabsan xaalada Galmudug , waxaana uu sheegay in loo diyaar garoobaayo soo xulista xildhibaanada dowladda Soomaaliya.