Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin in Magaalada Gaalkacyo ay ka taliyaan labo Maamul.
Waxa uu sheegay in Magaalada Gaalkacyo aysan ka wada talin Karin labada Maamul ee kala ah Galmudug iyo Puntland.
Waxa uu sheegay in shacabka Magaalada Gaalkacyo ay u baahan yihiin nabad iyo amni balse aysan u baahneyn in lagu sii kor dagaalamo.
Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka warbixiyay Kulan uu Magaalada Muqdisho kula qaatay Saraakiil ka tirsan Dowladda Mareykanka.
Waxa uu sheegay in Saraakiisha iyo masuuliyiinta uu la kulmay uu kala hadlay duqeynta Magaalada Gaalkacyo.


