Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Carabeey oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay hub ka dhigis ku sameynaayaan dad hub ku dhex heysta deegaanada Maamulka Galmudug.
Madaxweyne ku Xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in ay ka shaqeynayaan Xasiloonida deegaanada Galmudug.
Waxa uu tilmaamay in aysan aqbali doonin in hub sharci daro ah lagu dhex sito gudaha deegaanada Maamulka Galmudug.
Waxa uu xusay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo nabadeynta iyo hormarinta deegaanada Galmudug.
Maamulka Galmudug ayaa wado qorshe lagu xaqiijinayo amaanka guud ee deegaanada Galmudug, Saraakiisha amaanka Galmudug ayaa sheegay in ay sii laba jibaarayaan howlagalada ka socda deegaandaasi kuwaasi oo lagu qaadayo isbaarooyinka iyo hubka lagu dhex sito deegaanada Galmudug


