Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabay oo kulan la qaatay Hay’adda kala duwan ee amniga maamulka Galmudug ayaa sheegay in ciidanka Galmudug laysku dhafi doono.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in ay jiraan ciidamo aad farabadan oo soo qaatay tababaro kala duwan , kuwaa soo ku sugan deegaanada maamulka Galmudug.
Waxaa uu sheegay in ciidanka laysku dhafi doono oo la mideyn doono si ay Al-Shabaab kaga saaraan degmooyinka iyo sidoo kale deegaanada ay gacanta ku hayaan.
Maxamed Xaashi Cabdi Carabay ayaa sheegay in ciidanka maamulka Galmudug ay bilaabayaan guluf colaadeed oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa gacanta ku haya deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud.


