Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo la hadlay Warbaahinta ayaa Beesha Caalamka ka dalbaday in ay taageeraan doorashada Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in beesha Caalamka ay muujiso taageeradeeda ku aadan doorashada.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in ay ka qeyb qaadato Barnaamijyada dib u heshiisiinta iyo Wada tashiga ah ee ka socda Magaalada Cadaado.
Waxa uu Wakiilada Beesha Caalamka ugu baaqay in ay si deg deg ah u shaaciyeen doorka ay ku yeelanaya doorashada Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sidoo kale qeybaha kala duwan ee Bulshada Galmudug iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda degaanada Galmudug ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan doorashada Madaxweynaha Cusub ee Galmudug.


