Cadaado-RisaalaFM- Guddiga Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa ku adkeysanaya in 30-ka bishan ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug.
Magaalada Muqdisho weli waxaa ku sugan wafdiyo ka kala socda Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna, waxaanan ilaa iyo hada furmin kulan ay yeelan lahaayeen labadan dhinac.
Guddiga Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegeen in fulinta jadwalkii Doorasho ee Madaxweynaha Galmudug ay bilaabayaan.
Maxamed Xasan Geelle Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in 28-ka bishan oo ku beegan berri ay ku egtahay waqtiga isdiiwaangelinta musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug.
10-kii bishan ayaa la filayay in Magaalada Muqdisho uu wada hadal rasmi ah uga furmo Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna oo ay garwadeen ka tahay Dowladda Federaalka, islamarkaana uu socda ilaa iyo 24-kii bishan.


