Kismaayo-RisaalaFM- Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) oo la hadlay VOA-da ayaa faah faahin ka bixiyay shirkii muddadii Saddexda maalmood ka socday magaalada Kismaayo, kaasi oo maanta la soo gaba gabeeyay.
Wuxuu sheegay Madaxweyne Gaas khilaafka khaliijka in aysan u arkin in dhex dhexaad laga yahay, oo Dowladda dhexe ay garab raacday, muhiimna aysan aheyn in la eedeeyo Dowlad Goboleedyada.
C/wali (Gaas) ayaa sheegay culeyska masuuliyadeed ee dalkan 99% in uu saaran yahay Dowlad Goboleedyada, taasi oo uu ku sheegay in ay muhiim tahay in ay wax ku lahaadaan go’aanada la gaarayo.
“Barnaamijkaas wuxuu ahaa mid aan muddo ka fikireynay in la sameeyo madal ay wadaagaan dowlad goboleedyada, labo sano ka hor ayaan qorsheynay, laakiin arrimihii doorashooyinka ayaa na soo dhex galay, in la isu yimaado, la wada hadlo wixii caqabado jira la falanqeeyo in go’aamada ku haboon la soo saaro ayuu ujeedku ahaa.” Ayuu yiri C/wali Gaas.
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa shikrii Kismaayo loogu doortay Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada (GIDG), halka ku xigeen loo doortay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.


