DHAGEYSO: Gaari ay la socdeen xubno Shabaab ka tirsan oo ku qarxay Gobolka Bakool

Wararka ka imaanaya deegaanka Buudhuxule  Gobolka Bakool ayaa sheegaya in  gaari ay saarnaayeen labo xubnood oo ka tirsan Al Shabaab iyo saddex ruux oo shacab ah inay miino kula qaraxday halkaasi.

Gaariga  ayaa lagu soo waramaya in  uu ka baxay Deegaanka Buudhuxule ee Gobolka Bakool islamarkaana uu kusii jeeday deegaanka Garasweyne oo isla Gobolkaasi Bakool ka tirsan.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Waajid Cadow C/raxmaan oo la hadlay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Gaariga Al-Shabaab ay xoog ku ka xaysteen , islamarkaana ay doonaayeen in ay ku tagaan deegaanka Garas weyne ee gobolka Bakool.