Dhageyso:-Gaadiidleyda Magaalada Jowhar oo Maalintii labaad aan Shaqeyn

Gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ayaa maalintii labaad maanta aysan Shaqeyn,kadib amarka ay Shaqada ku joojiyeen oo kasoo baxay Maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe.

Aamarkaan ayaa yimid kadib markii Gaadiidleyda ay qaarkood diideen inay Talaadadii Garoonka diyaaradaha geeyaan dad ka qeyb qaadanayay soo dhaweynta Madaxweynaah Hir-Shabeelle,xii uu kasoo laabanayay Magalada Garoowe.

Gaadiidleyda ayaa la sheegay in sababta ay u diideen inay qaadaan dadweynaha soo dhaweyn lahaa Madaxweynaha Hir-Shabeelle ay tahay kadib markii ay hanjabaad ka heleen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah Gadiidleyda oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen inay culeys badan dareemayaan loogana baahan yahay in Maamulka uu la yimaado qorsho cad oo tan ka bedelan,isla markaana u baahan yihiin inay Shaqeystaan.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in uu jiro kulan u socdo Gadiidleyda Magalada Jowhar iyo Maamulka taas oo lagu xalinaayo khilaafka u dhaxeeya ee sababay in gaadiidleyda Shaqada laga joojiyo.

Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Warkaan iyo Wariye Axmed Tifow Xasan.