Waxaa Maalintii labaad hakad ku jira oo aan Shaqeyn Gaadiidka dadweynaha ee ka dhex-Shaqeeya wadada xiriirsa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar,kuwaas oo Shaqa joojintooda bilaabay Maalintii shalay aheyd.
Darawalada Gaadiidka ayaa waxaa ay ka cabanayaan Isbaarooyin horleh oo la soo dhigay wadada u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana ay jiraan rag hubeysan oo lacago xad-dhaaf ah ka qaadaya Gaadiidka.
Xasan Sheekh Ibarahim oo kamid ah Gaadiidleyda ka Shaqeeya Muqdisho iyo Jowhar ayaa sheegay in markii hore ay heysatay dhibaato ay ku qabeen Isbarooyin la sharciyeeyay,hayeeshee ay haatan soo kordheen isbaarooyin horleh oo ay dhigteen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Hir-Shabeelle iyo kuwo hoostaga Maamulka degmada Balcad.
Waxaa uu sheegay in in ka badan laba todobaad ay sugayeen Koorso ay qaataan,hayeeshee dhaqaalaha ugu badan ay ku bixiyaan isbaarooyin yaalla wadada xiriira Muqdisho iyo jowhar,hayeeshee ay ka doorbideen inay gawaaridooda xareeyaan.
Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Hir-Shabeelle ayuu ugu baaqay inay waxka qabtaan dhibaatooyinka ka heysta wadadaas,isla markaana sababtay inay Shaqa joojin sameeyaan.



