Wuxuu sheegay in Beesha Caalamka aysan shaqo ku lahayn Doorashada Somaliland islamarkaana aysan aqbali doonin in ay faraha la soo gasho.
Wuxuu xusay in ay ku dadaalayaan sidii Deegaanada Somaliland ay ugu dhici lahaayeen Doorashooyin lagu wada qanacsan yahay.
Dhanka kale Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay hadalkii ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya ee ku saabsanaa Heshiiska ay Somaliland la gashay Hay’ada ka howl galeysa Dekeda Berbera ee DP World.
Deegaanada Somaliland ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka dhacaan Doorashooyin, waxaana soconaya qancinta Siyaasiyiinta Somaliland qaarkood ee diidan in la kala qaado Doorashada.


