DHAGEYSO: Faroole oo sheegay in dayacaad lagu laayay Ciidamadii Puntland

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud ” Faroole” Hadana ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in la dayacay Ciidamadii dhawaan Al-Shabaab ay ku xasuuqeen degaanka Af urur ee gobolka Bari.

Faroole ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in Al-Shabaab ay Xasuuqaan Ciidamada loogu tala galay in ay ilaaliyaan Shacabka Puntland.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in tilaabo deg deg ah laga qaado taliyeyaashii Ciidamadaasi, maadaama dayac lagu dilay Ciidamadaasi.

Waxaa uu ugu dambeyntii soo jeediyay in Guddi soo baara dhacdadii Af urur si deg deg ah loo sameeyo si looga hortago in markale dhibaato loo geysto ciidamada Puntland.

Al-Shabaab ayaa dhawaan Weerar xooggan ku qaaday Saldhig Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin degaanka Af-Urur.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in Weerarkaasi ay ku dileen 61 Askari ayna ku furteen Gawaari dagaal.