Garowe-RisaalaFM- C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) oo horey u soo noqday Madaxweyihii hore ee Maamulka Puntland, kana mid ah Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay dib ugu laabtay Magaalada Garowe ayaa Madaxda Madasha ugu baaqay in aanay ku mashquulin Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
Waxa uu sheegay Faroole muhiim in ay tahay in fursad la siiyo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), si uu u soo xusho Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu sheegay sababta uu uga tagay Magaalada Muqdisho in ay tahay dad culeys ku haya awgeed, in aanay u isticmaalin in uu fara-geliyo cida uu soo magacaabayo Madaxweynaha Soomaaliya.
Xildhibaan C/raxmaan Faroole ayaa shacbiga Soomaaliyeed ugu baaqay in ay taageeraan Madaxweynaha cusub, iyadoo aanu buurnayn dhaqaalaha ay haysato Dowladda Federaalka.
Ugu dambeyntii C/raxmaan Faroole, ayaa Madaxda Maamul Goboleedyada ugu baaqay in ay u adeegaan bulshadooda ay Abaaruhu halakeeyeen, oo aanay ku mashquulin shaqada Madaxweyne Farmaajo.


