Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay in la soo celinayo amniga uu Todobaadkii hore isbeddel ugu sameeyay Madaxda Ciidanka Soomaaliya islamarkaana uu hadda doonayo in isbeddelkii ay Dowladdiisu ballan qaadday ka arkaan shacabka Soomaaliyeed.
Waxa uu sheegay in la isticmaalayo xeeladii Shabaab 2011-kii Magaalada Muqdisho looga saaray, iyada oo la kaashanayo saraakishii xilligaasi shaqeyneysay.
Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay in Dowladiisa ay joogteyn doonto Mushaaraadka Ciidamada.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Ciidanka looga baahan yahay in ay sii wadaan dagaalka Al-Shabaab, isaga oo shacabka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Ciidanka ammaanka.
Hadalkan ayuu Madaxweynaha waxa uu ka sheegay xilli uu ka qeyb galayay Munaasabad lagu xusayay maalintii la aas aasay Ciidanka xoogga dalka oo maanta ku beegan.



