DHAGEYSO: Farmaajo” Dadka Musuqmaasuqa ku kaca waxaan ku fali doonaa Beeraha”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay in dib loo soo celinayo beerihii ay la haan jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya , islamarkaana dadka lagu soo qabto danbiyada ah in ay qaateen Laaluush iyo sidoo kale Musuqmaasuq ay fali doonaan Beerahaasi.

Waxa uu sheegay in ay ku shaqeyn doonaan Maxaabiista ku jirta Xabsiyada isla markaana ay ka shaqeyn doonaan beeraha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay ka hortagto Musuqmaasuqa iyo  Laaluush qaadashada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Maxaabiista  lagu xiro xabsiga dhexe ee Muqdisho laguna eedeeyo Musuq maasuqa iyo sidoo kale in ay Laaluush qaateen in ay ku fali doonaan Beeraha si ay ciqaab ugu noqoto.

Madaxweynaha JFS Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib markii uu shalay booqday Xabsiga Dhexe ee Xamar.