Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax loo adeegsaday mooto Bajaaj oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday Mooto Bajaaj ayaa la sheegaya in uu xalay ka dhacay degmada Hodan Gaar ahaan xaafada lagu magacaabo xero Jarmalka.
Afhayeenka wasaarada amniga dowladda Soomaaliya Cabdikaamil Macalin Shukri ayaa sheegay in ciidanka ammaanka dowladda Soomaaliya ay heleen xogta ku aadan mooto Bajaajta,waxuuna sheegay in ciidanka ammaanka ay ku dabajoogeen ka hor inta aysan qarxin .
Waxa uu sheegay in uu ku dhintay oo kaliya ruux waday mootada Bajaajta ,islamarkaana aysan jirin khasaare soo gaaray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Waxa uu intaas ku daray in xalay saraakiil ka tirsan nabad suggida oo k amid yahay taliyaha cusub ee nabad suggida General Gaafoow ay kor meer ku tageen qaar ka mid ah xarumaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.


