Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ay ka fuliyeen Gobolka Shabeellaha Hoose kasoo lagu qabtay xubno la sheegay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
Howlgalkaan Ciidamada ay fuliyeen ayaa wuxuu si gaar uga dhacay degaan lagu magacaabo Danwale oo hoostaga Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Shabeelaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa Risaala u sheegay in ciidamada Ammaanka howlgalkaasi ay kusoo qabteen 8 qof, islamarkaana ay siidaayeen 4 qof, Afarta kalena ay baaritaano ku waddaan.
Waxaa uu tilmaamay Ciidamada intii ay howlgalkan ku guda jireen in ay burburiyeen saldhig Shabaab ay ku lahaayeen degaaanka Danwale oo ka tirsan Shabeellaha Hoose.



