Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ayaa soo baxayay Warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe dhammaan dhulkii ay lahaan jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya ee ku yaalla Muqdisho looga saarayo dadka Shacabka ah ee degan , islamarkaana dib u dayactir lagu sameyn doono ayaa Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya uu arintaasi Faahfaahin ka bixiyay.
Cabdirashiid Cabdullaahi Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdu ay hadda u baahan tahay meelo kooban oo keliya laakiin aysan dhulka oo dhan aysan u wadda baahneyn .
Waxaa uu tilmaamay in meelahaasi kooban lagu sameyn doono dayactir si ay ugu shaqeeyaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Waxaa uu sheegay in aysan jirin in dhulka dowladda hal mar dadka laga raraayo laakiin hadba meeshii loo baahdo dadka laga raridoono.
Xaafado badan oo ka mid ah Muqdisho ayaa bilihii lasoo dhaafay waxaa ka jirtay Cabsi xooggan oo ku aadan in dowladda Soomaaliya ay barakiciso, maadaama ay degan yihiin dhulkii dowladda.



