Muqdisho-RisaalaFM- Qarax khasaare geystay ayaa ka dhacay meel u dhow Isgoyska Jubba ee Magaalada Muqdisho, kadib markii halkaasi uu ku Qarxay Gaari Walxaha Qarxa lagu soo xiray oo ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugidda.
Inta la xaqiijiyay 1 Askari ayaa ku dhintay Halka sidoo kalena mid kale uu ku dhaawacmay Qaraxan, sida uu Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho u sheegay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in Gaarigan ay wateen 2 Askari oo ka tirsan Ciidanka Nabad Sugidda, isagoo sidoo kale sheegay in 1 Askari uu ku dhintay Qaraxan halka mid kalena uu ku dhaawacmay.
Ciidanka Amaanka ayaa waxa ay gaareen Isgoyska Jubba oo ah halka uu ka dhacay Qaraxan, iyagoo halkaasi ka wada baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen.


