Sh/Dhexe-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Nin xaaskiisa oo Uur laheyd xalay ku dilay Tuulo hoostagta Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.
Tuulada uu falkan ka dhacay ayaa waxaa lagu magacaabaa Tugaarey taasi oo 20-KM ujirta Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyada oo arrintan ay aad uga naxeen dadka Degaanka.
Dadka Degaanka ayaa Risaala u sheegay Toogashada ka hor in labadooda uu soo kala dhexgalay muran Afka ah, intaasi kadibna ay sababtay in Ninka uu adeegsado Qori uu sitay.
Wararka qaar ayaa sheegaya ninkan dilay xaaskiisa in maanta lagu wareejinayo Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle, si cadaalada loo horkeeno.
Guddoomiyaha Tuulada Tugaarey Cali Maxamed oo la hadlay warbaahinta Risaala ayaa faah faahin ka bixiyay dilkan, wuxuuna sheegay in ay socdaan baaritaano.


