DHAGEYSO: Faah faahin laga helayo shilkii gaari ee ka dhacay Gabiley

Allaha u naxariistee waxaa goor dhaweyd shil gaari ku naf waayey 14 qof halka 9 kalana ay ku dhaawacmeen.

Dadkii ku dhaawacmay shilkaasi ayaa waxaa loola cararay goobaha caafimaad ee halkaasi ka ak dhowaa, waxaana wararka ay sheegayaan Hooyo iyo caruurteeda in ay halkaasi ku naf waayeen oo iyagu saarnaa gaariga NOAH-da

Waxaana maamulka Soomaaliland ay halkaasi ka wadaan baaritaano ay ku ogaanayaan waxa sababay shilkaasi qasaaraha badan dhaliyay.

Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim oo ka howlgala TV-ga Horn Cable ayaan qadka Telefoonka kula xiriirnay waxaan uu ka warbixiyay bal sida ay wax u dhaceen.