Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa gelinkii dambe ee maanta Wadada Buundooyinka ee u dhaxeysa degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab ka dhacay iska hor imaad sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Iska hor imaadkan ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda iyo koox burcad ah ay halkaasi isku rasaaseeyeen, waxaana iska hor imaadkaas uu ahaa mid kooban.
Inta la xaqiijiyay iska hor imaadkan ayaa waxaa ku dhintay 2 Qof Halka 1 Qof oo kalena uu ku dhaawacmay, iyadoo kooxdii burcadka aheyd ay halkaasi markii dambe ka baxsadeen.
Goobjooge la hadlay Risaala oo lagu magacaabo Ismaaciil ayaa wuxuu sheegay in iska hor imaadkaas ay ku geeryoodeen Labo wiil oo dhalinyaro ah sidoo kalena Qof kale uu dhaawac ka soo gaaray.
Maamulada Degmooyinka Waaberi iyo Xamara Jajab ayaa waxa ay soo gaareen goobtii uu ka dhacay iska hor imaadka, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen.