DHAGEYSO: Faah faahin Duqeyn xalay ka dhacday Sh/Hoose

Sh/Hoose-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar dhanka circa oo xalay ka dhacay degaanka Kuunya Barow oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo lagu beegsaday saldhigyo Al-shabaab ay ku leeyihiin degaankaasi.

Weerarkan ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Danab iyo Ciidamo Mareykan ah, waxaana Diyaaradaha Howlgalkaasi loo adeegsaday ay ka degeen duleedka degaanka Kuunyo barrow.

Gudoomiyaha degmada baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose Xuseen Bare Jeex oo la hadlay Risaala ayaa faah faahin ka bixiyay Howlgalka sida uu ku dhacay, inkastoo ilaa hada faah faahin rasmi ah laga heyn khasaaraha weerarkaasi Al-shabaab lagu gaarsiiyay.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa maalmihii dambe bartilmaameed gaar ah waxa ay ku hayeen Saraakiisha Shabaab, iyadoo todobaadkii hore isla degaanka Kuunya barow meel ku dhaw lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Shabaab.