DHAGEYSO: Faah faahin Dagaal ka dhacay Sh/Hoose

Sh/Hoose-RisaalaFM- Wararka laga helayo Deegaanka lagu magacaabo Muuri oo dhowr iyo KM u jira Deegaanka Lambar Konton ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay xalay ku dagaalameen Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Al-shabaab ay saacado kooban la wareegeen Deegaankaasi, inkastoo Ciidanka Dowladda ay dib ula wareegeen Deegaankaasi.

Gudoomiye ku xigeenka Dhinaca Arimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Cumar Maxamuud Cilmi (Carabey) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidanka Dowladda ay dib u qabsadeen Deegaankaasi, isagoo sidoo kale sheegay in wax khasaare aanay ka dhalan Dagaalka dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo Shabaab.

Al-shabaab ayaa marar badan waxa ay Gobolka Shabeelaha Hoose Dagaal kula galeen Ciidanka Dowladda iyo kuwa Konfur Galbeed, inkastoo weli Shabaab qeybo ka mid ah Gobolkaasi ay gacanta ku hayaan.