DHAGEYSO: Faah faahin Al-shabaab ku Dagaalamay Gobolka Hiiraan

Hiiraan-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Deegaanka Shaw oo dhanka Galbeedka ka xiga Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa wax ay sheegayaan Dagaal u dhaxeeyay Shabaab in uu ka dhacay halkaasi.

Dagaalka ayaa socday mudo saacado ah, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac, sida ay Risaala u sheegeen Dadka Deegaanka.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in Dagaalka uu ku dhintay Gudoomiyihii Shabaab ugu qaabilsanaa Deegaanka Halgan.

Dadka Deegaanka ayaa cabsi ka qaba in markale ay Dagaalyahanada Shabaab ku dagaalamaan Deegaankaasi.

Ilaa iyo hada si rasmi ah looma oga sababta ka dambeysa in Ciidamo ka wada tirsan Shabaab uu dagaal ku dhexmaro Deegaanka Shaw oo dhanka Galbeedka ka xiga Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.