DHAGEYSO: Eedeyn loo jeediyay Wasaaradda Beeraha

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa eedeyn u jeediyay Wasaaradda Beeraha dowladda Soomaaliya iyo tan Beeraha maamulka Hirshabeelle.

Gudoomiye Ku xigeenka Arrimaha Bulshadda gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa sheegay in Beeraleyda gobolka Hiiraan ay Wasaaraddahaasi ay dayaceen,islamarkaana aysan wali wax soo gaarsiin.

Waxaa uu sheegay in Beeraleyda gobolka Hiiraan ay heystaan dhibaatooyin kala duwan ,islamarkaana aysan helin wax taageero ah oo ku aadan Wasaaradda Beeraha Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in dadka reer Hiiraan laga doonaayo in ay wax qabsadaan oo ay ka tashadaan Hormarkooda.